Saturday 22 August 2009

Maansadii Asraarta

Maansadii Asraata halkan ka dhagayso


Asraarta

Adoon asaraarin
alooska dhisaalan
adoon arinkaaga
idaa umalaynin
aduunka hadeer ah
adoon abid moodin
amooyin ku awdka
ah baa kawanagsan
oraahda xaqiiqda
awooda jiraalka
talooyin aweey ah
oraahdana fiirso
intaadan astaysan
ayaanma danbeeya
intaadan ahaanta
iskaa u malaynin
intaadan aqloolka
ilaah isasiinin
intaadan aduunka
anfaaci kadoonin
intaadan aloosin
amuura asraar ah
intadan ilbaadin
waxaanad arkaynin
intadan ku iilan
afaafyo tirmaanya
intadan idlaysan
intii amranaanta
intadan asaabyo
awaadhaka ku noogin
abaarta korkaaga
intaadan ku eeran
aftahamiyo baanba
intaadan asqoobin
inaad ibahaaga
idooda ladoonto
amaad anbad yaableh
ayaamo hawaysan
intaanu adeegu
agbaabo ku joojin
adeeca dhigaagu
abbaanku intaanu
abaalka ku dhaafin
hanbaa agta yaale
intaanu aarsan
intaan anba qaadyo
arooryaba tiigsi
naftaadu ku oomin
aduunkiyo laaca
aaryaan anbadkeedu
ilaahy ku seejin
ahaanta danbeeto
abaalka waqiis ah
ayaa arageeda
ifkuyo dunideena
indooryo aadad
arboow ka hagaagsan
ogawna wali
jidkii nabi adam
ibliis marinkiisii
ayaa is agyaala
qofkii is ilaasha
adeeca raxmaanka
ayey u ahaane
si aad ajar kheyr leh
amaaniyo libo leh
ilwaadka janaad leh
rasuulka agtiis leh
ayaan iyo mahadle
ilaah radihiisa
abaal gud u taabto
astayso tlmaamo
ayaadka quraanka
axaadiisteena
ayaa idil sheegay
midkise adkaysta
hankiisa abraara
iblayska sadkiisa
naartiyo oloolkeeda
inkaaro qormaysay
ayaa aqalkiis ah
ilaah uma deeqo
awood kale baah bah
afkaabana karaynin
in uu eray juuqo
asraartu lamankan
ishaaru tobad
imaanku sugniinsho
islaamku adeegsi
aduunku dhaxniino
rajadu is ogaansho
iskaashi dhexdeena
amaaniyo dacad
ixsaanu jidkeena
aqoontu ku tiirsi
xusuutu ilahay
baryano amarkiisa
tixdiina intaa eg.
Dhamaad

No comments:

Post a Comment