Saturday 22 August 2009

Dibu baahin

Dhagaysi Haboon

Mugdiga iyo Madowgu Ma isku midbaa "Gabay"

Dhagaysi Haboon

Maansooyinkii Erayga iyo Maalmaha

Dhagayso Maansadii qiimaha Eryaga
Erayga

Eray waa alhuumoo
Ilaahbaa aqlooloo
Jeer hore aheeyoo
Uratibay idaasoo
Idilkood oraahaha
Intuu Aadan baraybuu
Imtixaan kaleetiyo
Abaal aan lahelinbuu
ku idbaaray qowm'oo
Malaa'igta ku agbilay.
Abnaq iyo isheegoo
Adigaa aqoonley,
Idilkood naqeenoo
Aadanow u tiribaa
Ilaaheen ku meershoo
Akhrintiyo abaartii
Eebbo uu ugu deequu
Abbaheen ku meeryoo
Aynigood sujuudiyo
Anbaqaad sharfeedbaa
Amarkii arooroo
iblays oo ku lumaybaa
Eed iyo ba qaatoo
Isbid iyo jigraar buu
Oofintii ku diidoo
Anbadkiina lagu eri.
... ......................
Intii kale adeecbay
Aqbalkii faleenoo
Awaamiirtu erayey
Ku agaasimneeno
Oraahihii uu naqaybuu
Aadan libbin kutaamoo
Ajar iyo siyaaday
intuu dhalay ku mudatoo
Ubad sii dhaxlaanoo
Ayaado qur'aanaa
inahaa cadeeyoo
Yaguna oraahbay
Arooraan xiskeenoo.
..........................
Aduunyadu iskeedaba
Eray weeye taxanoo
Axaadiistu oraahbay
Abidkood ahaydoo
Askunka iyo bin'intaba
hadalka asiiboo
Dhawaaqbay ahaataye
Ayaannta iyo jeerkaba
Afnaqaa tilmaamoo
jiraal aakidkiisuba
Ogaan iyo afweeyee
Asraarta iyo idlaadkuba
Eraybay galaanoo
Aaladaha gabigood
Oraahbaaa sadaysoo
Aadmigu dirkiisaba
Erayguu dhahaayuu
ilbaxnimo ku gaadhoo
Astiriyo xis gaabkuba
Waa wada aftahamoo
Anfaciyo wax tabaintuna
Ishaariyo war weeyoo
ka alaysanaayiyo
ka abuurmi doonaba
Oraahbaa midaysoo
Taxanaha oreedbaa
Noloshuba abbaartoo
Ahaan iyo ekeenbaa
Erayga anbba qaadoo
Idilkood xog uunbay
ku agmeerayaanoo
.............................
Arin aan lahurinoo
Aadmigu wax qiima ah
ku ilaawd sadeenbaa
Afaf kuba yihiinoo
ilaaheen ka yeelaye
Magac aayatiinliyo
Ayniga faleediyo
Alankiyo xarafkaa
isku xidhaha muunshoo
Aqoontuna tubtaasay
ku agaasan taayoo
Allihii nabaraybaa
Aad inoo gar gaaroo
Ammaan iyo naqcelinbaa
Abaarteenu tahayoo
Ergo iyo shisheeyiyo
Afqalaad turjumidiyo
ilamo adan dhaqankood
Eraygaa ku faayoo.
...............................
Hubka oo ladumiyo
unkidiyo farsamo idil
Dawadiyo intii agab
Aynaan hureyn ee
Akhirskiyo qoraalkiyo
Adeegiyo socsocoshada
Arsaaqdiyo xayaatada
idil hawlaheeniyo
Ahaanteena gabigeed
isagaa u mudanoo
Eraygaa u wacanoo
inta kale arooroo
Ayni iyo u qalaniyo
Away lagaga maarmiyo
wax uun lagu amaamudo
Oraah dhigan badali kara
lama uumin dunidee
Awoow iyo ab duugmiyo
isirro iyo sooyaal
Ayaamo iyo waayiyo
ifka iyo wax soo jiray
Afka weeye erayada
Aqoonta iyo barashada
waxa aan u ayniyo
Ogaantuba dhamaanteed
Aqloolkuba dirkiisaba
Arin oo dhan beegii
Ahaanta iyo noloshuba
oraahday ku tarantoo
Awoodii ilaah iyo
Amaraa iltirayee
...........................
In uu eraygu aad yahay
Alab iyo itaal yahay
Aad aan lagudin yahay
Aadmiga anface yahay
Axad waliba eray yahay
Abaar waliba idan tahay
Akhbaar iyo ku taamiyo
Hindisaha abuurniin
agabkuba af uun yahay
ilaah uu kuaga daray
Oraah iyo tixraaceed
Ahaantiyo mudnaanteed.
Adiguna aqoonsoo
Unugaaga hidintiyo
Abnaqaaqa weeyoo
Asagaad ku ababtoo
Aarr aad ku noqataye
Aad iyo ubaro aad
Eraygaad ku dhaqantaye
Aad iyo ubaaro aad
isgaad ogaalkiyo
iimaanka diintiyo
Anbiyada ku bartaye
Abaalkiisu yuulumin
Aragga iyo baahida
Urta iyo dareenkaba
Isagaad ku tabisaa
Aqloolka iyo wax jirintee
Aad iyo ubaro aad
..............................
Aalad aan laheliniyo
Akhwaan qiima dhaafiyo
Arsaaqdii ilahay,
Amuur yaababeediyo
waa awaadh qadirle
Aad iyo ubaro aad
Amaan iyo tixgalin sii
Aadna ugu sii bogo
Eray waa ahaanteen
Illaah baana mamaula.
Dhamaad.
Maan sadii Maal maha

Maalmaha


Maansadii Maalmaha
Maalin tii timadaa
tiimeertay ee hore
midab lagaga soociyo
buro maqan ku sitiyo
miisaano kale si ah
marna laguma maannsado.
Maalin waliba waa qurux
dhalcada iyo mooduna
Maqaamkii dharaareed
didintii mugdigiyo
kaahiyo mugeediyo
maamulkii ilaahiyo
muuqeeda barigiyo
jidadkay ku meertiyo
marinada abbaartiyo
manficiyo kulaykiyo
macnihii ayaameed
magacay ku wadataa.
Marsadeedii weeyaan
moogiyo ku tiirsiga
hadda weysala meeshii
maaliniba waa beri
madow iyo cagaariyo
muqdur ayniyo ahiyo
ili waxay malaysiyo
maankeenu wuxutabo
mowlaba ma uugalin.
waayuhu milmilankood
midabiyo aqloolkood
iskadaba muquurkood
magansi iyo moognaan
aadmigu mah iyo meel
ka macaysay oo mood
miilayntii rabina nagi
mowdkiyo dhalashada
marag iyo ilawshaba
majaruhu tubtiisii
muslinkiyo kufaartaba
midba wuxuu mutaystaba
macaashkiyo seegniin
malahoodu maanshee
muranka iyo beegniin
miidhii rabina nagi
Noloshiyo macaankeed
muhashadiyo kuhashada
maaranka iyo fiiqsiga
maalmihiyo is dhaafyada
meer meerka kalajira
mugdigiyo ilaysyada
habeenada lamaax tiray
laga maydhay tiradiyo
xisaabaha minkooda ah
maankeen ma tuujee
magan sugan ku hirashadu
meel kaama taalee
maydkii kol noolaa
mee qaad ogsoonayd!?
Sabigii murjacaiyo
biyo meel ku dhowrsoon
soomaray marxaladaha
misna gabow sirqoobiyo
magac kale ahaantii
miilooyinkaa taxan
miyaa adiga kaa dedan.?
Minankiyo kaboodkiyo
miciin oo dhan gabigii
meelay nahoodiyo
madhka iyo tixraacdyada
miyirkee inoo dhaqay.?
maankeena yaa suga?
maxaydiyo su'aalha
maan gadkiyo tabashada
mamaqaaradaa dhala?!
Maansadu aroortaye
dhagihii maqlaayow
Isniintiyo markay axad
galinadu is moodaan
macnaheed ku garataan?
midab miyaad ku hirataan?
maye weeye taasiye
maamuladu qorsheyniyo
mesno eebe nagu ladhay
cid kaleeto maareyn
noolane ka maarmeyn
muuqoodu yaab yahay
miciiskoodu gaar yahay
minguurkoodu taxan yahay
milgohoodu bilan yahay
mayalkoodu sugan yahay
aadmigu majeertaan
murti lagu dhamays tiray
mahadaasi waajira.
waa marag madoonoo
mid wax milicsadaa qiro.
miyir doco baraystiyo
madhane iyo hiin raac
is moodsiis aweystiyo
dhaayaha ku maannliyo
dhoowdada ku mamihiyo
mafakara muuqdiyo
intii maqane jooga ah
maldah iyo sarbeebiyo
mudnaaniyo qarsoonaan
xaqiiqadu madaahnee
ishaa macalin noqtee
maamusid iyo deeq
malaayinta sade'ee,
rabi nagu manaystiyo
maad qudhiina miistaan.
maragyada qur'aankiyo
Nabi Maxamed muujeen csw
ee inagu madal naqan
muftaxuna had uun yahay
milcsiyo jeedaal
maxayda maad ku hibaas.
Miidamo iyo ciil
werwerkiyo mush kiladaha
miciin maad ka korataan
mayadaa danbeeyoo
qomamaa malaasane
moolal iyo rarane'e
magacood ba'yaloow
Maangaabyadiyo
maatadii sajaratee
xaqa maad mitimisaan.
munaafaqa is buriyow
miidhayda qiimee
mowlaha ilaaheen
meel u buuxin mayside
masayrka iyo mirashada
magaabadiyo faankiyo
midabbaynta gooruhu
meeqaam kuuma gooyaan
mulki iyo badhaadhe leh.
maskax daada kaashoo
maankaaga kaashoo
ilaahaaga magansoo
mabda iyo caqiidada
intaan mowdku kado sir ah
meel li'ilida iinta ah
murugadu u qoran tahay
madinimiyo hoog daran
masiibadiyo baadida
masaakiinta lumintiyo
madax buuxin jabaniyo
madaluufka tuhumada
madiidaanka shaydaan
mannsab raadin iyo maal
muraad dhaxala keenayn
mowjadaha hadimada
mugdiyada ka soo hoyo
shalay way ku moodoo
doraad meerin mayside
barri mooyi say noqon
marin waliba waa mare
maantadan is daba qabo
Malagii naf qabashadu
marna baqan maayee
madluunimo hadhaysiyo
magan li'ida akhiro
hadii kale u meel dayo
maan dhow ilahay
midh u biirin mayside
madhaxa iyo aayaha
ruuxaaga maaree
wax malee haddeeroo
maadu siima tarantee
maan gale ahawoo
muslinima afka ahiyo
milil uurka jiifiyo
murtadnimo ishaaqsi ah
muhashadiyo dunideer
haku meeha naabine
mahurtadaa ka faalood
madal iyo jid siifalo
qur'aankaa muftaaxa ah
Salaadda martabada ah
mukhlisnimadu waa u madax
runtu waa mageydada
danbigii minqaadsama
Ilaah uun ka doon magan
walidkaana muunee
Muslimiinta saacido
dariskiyo martida sharaf
Maslaxiyo samaan tali
masaakiinta taageer
yaan madluunku kaacaban
Musrifnimo iska ogow
maatada iyo duqaydana
midig iyo u noqo garab
ha ismahadin waligaa
hamalysan taadee
mowlaha waqaa tuug
beentiyo maxaabsiga
madhalayska lagu ba'o
mahlakada ha fududayn
muranka waqaa diid
mintidnimo xaq ugu loho
haku mamin xumaanaha
masuuliyada wada fuli
ha sharaysan maalhamaha
qadarkiyo majarihiis
mahad wayno laasimo
Nabi maxamed weynee scw
hadalada martabadee
macna li ka dheeroow
haku mamin aduunyada
abuurniimo ha umahan
ilaaheen masaaliyo
wadaagyo haku maaruqin
maal jirin ku talax tag ah
madhoodhaynta boolida
macsi aynigeediyo
maanli'i ku dayasha ah
mareegaha lammanacay
muudsigooda ha u bogin.
maalmaha danbeeyiyo
muga abadin yaal ka ah
mudo jirindan laydha ah
marna haisku gadantaa
maamuuso taladaa
mowlana xasuusnow.
dhamaad

Maanso Wada ded

Maannsada Hoos ka dhagayso


Wada ded

isku daaban iyo dedan
isu doorran iyo dhigan
isu dooxan iyo dadab.
isku duman isdaba mara
lamanaha is docoyaal
dunjarkeedii weeyaan.
dabuubtaydan maansada
dareerbaana joogta ah
dunidiyo hal raaceed.
cirka di'ida hooriyo
daruuraha is dhaafee
dusha sare abaarani
dedka uunka weeyeen.
dabarkiyo buuraha
dugsiga iyo miisaan
dheeligana diidaa
dedid wada bareediyo
daabab iyo sir weeyaan.
dayrkooda badaheer
dacalada barriga wadhan
duulal baa ku hoos nool
dedna way ahaadaan.
durimada iyo kaymaha
degaamada ugbaadka leh
teel teel ded weeyaan.
wax la duugay lagu dedan
dalacaada murudina
wuxuun bay dabooshaa.
daloolkaba dul baa xiga
dabooladu qiyaas maleh
hoosayntu sii dadan.
dildilaaca waaguna
wuxuu abid durkinayaa
mugdigii dedka ahaa.
Deelkaasi waa arar
waa daliil xasuuseed
daymo iyo tixraaceed
dareemadiyo maankiyo
duuduub shucuureed
dahsoonanta magaceed.
dabooladu qiyaas maleh
uur dedan abuurniin
ilaahbaa daleeyoo
mandheer dayran dabadeed
dadka dhalasho soo fara.
noloshiyo dunidana
dharku weyna dedayaa.
kafan lagu dun jaraybaa
qudh walbaba danbayntana
ifka lagaga duubaa.
daaruhu maraacaan
horana duunyo uma sidan.
waa dabuub xaqiiqeed
digniin iyo xus weeyaan
dabin aan la dhaafayn.
waa darar xasuuseed
damqashiyo ku hirasho leh.
degdegiyo wad fulinaha
Malaa iigta loo diray
durbaday ahaadaan
dadku eheliyo gacal
midna daajin iyo dayn
daryeel kuuma fidin karo.
dawaba geeri diidmada
aadmigu ku doon abid
misna la isu deyn waa
dariiq xaqana weeyaan.
dumidii ilaah dhigay
dunidoo ayaama ah
diihaaladoo badan
dirriin xilal ku jaan go'an
daynkii ilaahoon
dirgasho iyo wada fulin
aan lagu dabbaalayn
maxaa damaca liidnimo
ifka lagaga diimaa.?
maxaa loogu diriraa?
doodaha colaadiyo,
xasad iyo ladiidmiyo,
kali doonka samihiyo,
dakanooyin faraloo,
darajiyo xoola le,
dumarkiyo xaragada ah,
duunyiyo anfaaci leh,
maxaa la isu dagayaa.?
Waa dow gal iyo dhalan
dibin daabyo shaydaan
hanka loo durraansado
jahli uu u yahay deggal
qaddar loo dugaashado.
deelkaasi waa dalag
dubaax iyo dux weeyaan
wa dareen xisaabeed
dibu baaris dhaqameed
digniin iyo ku yeeshood
daba galisna ii daban.
danbi dheef ma biirshaa ?
dagidiyo khiyaanadu,
dow sugan ma muujaan ?
dacdaradu makorisaa,
dadka ama dir xoolaad. ?
deegaan abaaroo
dulin buuxshay oo taban,
dooyada ninkii galay,
degmdiisa ooshaas,
degal ma'uga oodaa.?
Maaleeyo iyo dacar
iyo malabka doocaan,
keebaa qof doortaa.?
jira aan dawas mayn
iyo dooga kaar daran,
fayo ma'uga durugtaa.?
Olol iyo dab dhamacdii
adigoon dabqaad wadan
daldal dhuxulohoo kulul
dibad ma'ula roortaa.?
miina duugan oo diran
maku daqaqamaysaa
dadka ma'uga digaysaa.?
waydiinahan isdaba yaal
ama qaar ka siidaran,
duurxul iyo ujeedoleh,
danab qiimoleh iyo hebel,
damiir iyo wax garasho leh,
waxa loo dallagayaa,
danta dhoowba doonkiyo,
mida duran ka baydhaye,
danbaysada jiraalka ah,
taan doorran oollayn,
beer iyo dab daran qudha,
labadaa mid loodego,
deyro miyey u qalantaa.!?
doodanina waa jira
dalluun iyo mugdiga dedan
aakhiraba loodaa
dunidana if lagu sheeg.
waa daliil markhaati ah
in danbaynta moogiyo
diimooni lagu saday.
aduunyadana darajada
waase iska duufaan
dabayl noole faafsaday.
dadaalkiyo kutaamkaba
daartan bay dulsaaraan
doqonimiyo dayashey
dowgii ku seegeen
dubbuhuna sugniin maleh.
dacadii la liid waa
duligii la qiimee
daxalbaa qabigii hilay
diirna xaaba ka idlaa.
diin iyo xaqbarashana
dilaal saad ah laga jecel.
kii dirkeeda sheegtana
hebel baa u daabacan.
ayado ma doonaan
xaqiiqadana laga dalow.
shiikha loodabayshaday
dibnihiisu maybaran
dabuubtaa rabaa yiri
oo waa duruuus nami.
waxa ay ka doorteen
in yaga ladaalibo.
dhagar ay dan moodaan
bulshadii ku kala dabe
ururiyo dariiq dhexe
daleeshaa ku qaybsade
makastiina kaladile.
dilaalkiyo dhib idilkiis
deexdiyo hungiyo quus
ilaa dawlis gaaleed
dalka loogu loolamo
danbi oo dhan dhumucdiis,
culumaa u dooya ah.
carabay dafsiiyaan
diiinta iyo kitaabkaba
yagoo aan u daadagin
dulucdiyo xaqiiqada
bay dood nin soo qoray
xaqa kaga dilaamaan.
damane iyo maagac doon
isku daban baa badan.
deelkaasi waamarin
dow iyo jid aan hore
hoosba loogu daadagin
waadaba gal waafi ah
daain baan cuskanayaa
waala doorshay duxihii
hunguraana duufsaday
intii loogu dow galay
dirsooc baahsan baajira
daliilyo maragba leh
hal dardaaranaa haradhay
dacadnimo ilaheen
dowgu waa mid kaliyoo
rabigeen inoo diray
duntuna waa quraankoo
dood aan lagalinine
shiikhii dadaal fala
xurmo waa in loo dumo
duco iyo abaalba leh
dood kale waxay tahaya
ninkii daris inoo dhigay
dagal dhexe intuu dego
main loo dareeroo,
damaciis lafuliyaa !?
dariiqooyin hoosiyo
dastuuriyo sumadiyo
siro iyo docociyo qayb
danbi iyo gef weeyaan
ayadaa ka sii digay
suuradaa u dabar jaray
daleel iyo jab weeyaan
duxda hadalku waxay tahay
waa wada ded uunoo
beentu waxay dabraysaa
run aan dabaqba saarnayn.
dalac laasinkaa baddan
durrbaanoyo orrbaa tumman
dallimoyo dhulbaa qodan
diiwaniyo taxbaa daban
xidhiidhiyo darrbaa furan
waa daaba ka gaadhiyo
dumaalo iyo qarado'e,
naarta haku daqaqamin
akhiraa darnaan lehe.
duli uu dad mamaulay
yuu cadaab ku daaqsiin
gaalnimiyo doqonimo
diir iyo dubb may aha
owoowiyo dir may noqon
waa doonis iyo dhaqan
daliigaha is baal yaal.
kii dunidan doortaa
rabi daalin mayee
dacdaradiyo oohine
qudhaasay dusheed noqbon
meel dayashadaa daran
lay iskumana doorsado
danbi dhaafka naxariis
inta aydin dabar goin
maad dadntiina garataan.

Dhamaad

Maansadii Asraarta

Maansadii Asraata halkan ka dhagayso


Asraarta

Adoon asaraarin
alooska dhisaalan
adoon arinkaaga
idaa umalaynin
aduunka hadeer ah
adoon abid moodin
amooyin ku awdka
ah baa kawanagsan
oraahda xaqiiqda
awooda jiraalka
talooyin aweey ah
oraahdana fiirso
intaadan astaysan
ayaanma danbeeya
intaadan ahaanta
iskaa u malaynin
intaadan aqloolka
ilaah isasiinin
intaadan aduunka
anfaaci kadoonin
intaadan aloosin
amuura asraar ah
intadan ilbaadin
waxaanad arkaynin
intadan ku iilan
afaafyo tirmaanya
intadan idlaysan
intii amranaanta
intadan asaabyo
awaadhaka ku noogin
abaarta korkaaga
intaadan ku eeran
aftahamiyo baanba
intaadan asqoobin
inaad ibahaaga
idooda ladoonto
amaad anbad yaableh
ayaamo hawaysan
intaanu adeegu
agbaabo ku joojin
adeeca dhigaagu
abbaanku intaanu
abaalka ku dhaafin
hanbaa agta yaale
intaanu aarsan
intaan anba qaadyo
arooryaba tiigsi
naftaadu ku oomin
aduunkiyo laaca
aaryaan anbadkeedu
ilaahy ku seejin
ahaanta danbeeto
abaalka waqiis ah
ayaa arageeda
ifkuyo dunideena
indooryo aadad
arboow ka hagaagsan
ogawna wali
jidkii nabi adam
ibliis marinkiisii
ayaa is agyaala
qofkii is ilaasha
adeeca raxmaanka
ayey u ahaane
si aad ajar kheyr leh
amaaniyo libo leh
ilwaadka janaad leh
rasuulka agtiis leh
ayaan iyo mahadle
ilaah radihiisa
abaal gud u taabto
astayso tlmaamo
ayaadka quraanka
axaadiisteena
ayaa idil sheegay
midkise adkaysta
hankiisa abraara
iblayska sadkiisa
naartiyo oloolkeeda
inkaaro qormaysay
ayaa aqalkiis ah
ilaah uma deeqo
awood kale baah bah
afkaabana karaynin
in uu eray juuqo
asraartu lamankan
ishaaru tobad
imaanku sugniinsho
islaamku adeegsi
aduunku dhaxniino
rajadu is ogaansho
iskaashi dhexdeena
amaaniyo dacad
ixsaanu jidkeena
aqoontu ku tiirsi
xusuutu ilahay
baryano amarkiisa
tixdiina intaa eg.
Dhamaad

Maansadii Abaal Ilaahay

Maansadii Abaal halkan hoose ka dhagayso

Eray uu qof kii yri
Owgaa u naqay hiil
Mailowno abidkeen
Abaal iyo amaaniyo
Axsaan iyo samaan kale
waynu igu itaalnaa
Oroor ceel lakeeniyo
Umuuraha danteena ah
Axadkii ku tara iniq
Aad waad u muhataa
Ubadkiyo sokeeyaha
Abaalkisa fidisaa
Aabuhu dar daarniin
Ilamha wuu u dhaafaa
Ayniga wanaagyada
Awgii u galaiyo
Inta uu wax tar u qabo.
Taasi waa abuurniin
Gobonimo asiiliya
Eray nabina waa jiray

Maansadii Ilaaheenbaa Mahad leh

Dhagayso Maansadii Ilaaheen baa Mahad leh


Ilaaheen baa Mahad leh

Nabigeen waa Maxamed
Kitaabkeenaa Milge leh
Muminiintaa xurmo leh.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Muslinku waa walaalo
Macnihu waa iskaashi
Xusuustuna Mowleheena.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Malkadu waa qur'anka
Macaanku waa kasmada
Miciinkuna waa raxmaanka.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Miyigu waa barwaaqo
Magaaldu waa adeega
Mataanahani ayaamo.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Mratidu waa wareegto
Midkeenba marbuu ahaane
Hadaad Muslin tahay xurmee.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Maamuus waalidkeen ayaa leh
Xigtiyo daris waa milgayne
Maamulka qosykana hagaaji.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Mushrigu wuu habaabay
Munaafaqu laba wajiile
midkoodna ilaah mamuunsho.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Midani waa dhaxniino
Maxaad fashay baa danbaysa
Midaasaa madahx ku fiican.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Waar beentu waa masiibo
Muftaxaa sharkay ahaataye,
Hadaad Muslin tahay ka dhowrso.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Mgacyadu waa jiraalo
is mood keenaa male ah
Malakul mowt mabaaqdo.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Agoon waligaa hamaagin
Masaakiinta hadaaglin
Midkaa liita haku taagsan.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Haumurugoon waxa ku dhaafa
Ha iskula murin deeqda mowle
Dulqaad iyo mahad naq laasim.

Ilaaheenba Mhadleh
Ilaaheenbaa Mgan leh
Illaaheenbaa Murti leh.

Deeqduu rabbi kugu manaysto
Cilmiga iyo maal dirkiisba
Illah amarkiis ku maamul.

Dhamaad