Saturday 22 August 2009

Maanso Wada ded

Maannsada Hoos ka dhagayso


Wada ded

isku daaban iyo dedan
isu doorran iyo dhigan
isu dooxan iyo dadab.
isku duman isdaba mara
lamanaha is docoyaal
dunjarkeedii weeyaan.
dabuubtaydan maansada
dareerbaana joogta ah
dunidiyo hal raaceed.
cirka di'ida hooriyo
daruuraha is dhaafee
dusha sare abaarani
dedka uunka weeyeen.
dabarkiyo buuraha
dugsiga iyo miisaan
dheeligana diidaa
dedid wada bareediyo
daabab iyo sir weeyaan.
dayrkooda badaheer
dacalada barriga wadhan
duulal baa ku hoos nool
dedna way ahaadaan.
durimada iyo kaymaha
degaamada ugbaadka leh
teel teel ded weeyaan.
wax la duugay lagu dedan
dalacaada murudina
wuxuun bay dabooshaa.
daloolkaba dul baa xiga
dabooladu qiyaas maleh
hoosayntu sii dadan.
dildilaaca waaguna
wuxuu abid durkinayaa
mugdigii dedka ahaa.
Deelkaasi waa arar
waa daliil xasuuseed
daymo iyo tixraaceed
dareemadiyo maankiyo
duuduub shucuureed
dahsoonanta magaceed.
dabooladu qiyaas maleh
uur dedan abuurniin
ilaahbaa daleeyoo
mandheer dayran dabadeed
dadka dhalasho soo fara.
noloshiyo dunidana
dharku weyna dedayaa.
kafan lagu dun jaraybaa
qudh walbaba danbayntana
ifka lagaga duubaa.
daaruhu maraacaan
horana duunyo uma sidan.
waa dabuub xaqiiqeed
digniin iyo xus weeyaan
dabin aan la dhaafayn.
waa darar xasuuseed
damqashiyo ku hirasho leh.
degdegiyo wad fulinaha
Malaa iigta loo diray
durbaday ahaadaan
dadku eheliyo gacal
midna daajin iyo dayn
daryeel kuuma fidin karo.
dawaba geeri diidmada
aadmigu ku doon abid
misna la isu deyn waa
dariiq xaqana weeyaan.
dumidii ilaah dhigay
dunidoo ayaama ah
diihaaladoo badan
dirriin xilal ku jaan go'an
daynkii ilaahoon
dirgasho iyo wada fulin
aan lagu dabbaalayn
maxaa damaca liidnimo
ifka lagaga diimaa.?
maxaa loogu diriraa?
doodaha colaadiyo,
xasad iyo ladiidmiyo,
kali doonka samihiyo,
dakanooyin faraloo,
darajiyo xoola le,
dumarkiyo xaragada ah,
duunyiyo anfaaci leh,
maxaa la isu dagayaa.?
Waa dow gal iyo dhalan
dibin daabyo shaydaan
hanka loo durraansado
jahli uu u yahay deggal
qaddar loo dugaashado.
deelkaasi waa dalag
dubaax iyo dux weeyaan
wa dareen xisaabeed
dibu baaris dhaqameed
digniin iyo ku yeeshood
daba galisna ii daban.
danbi dheef ma biirshaa ?
dagidiyo khiyaanadu,
dow sugan ma muujaan ?
dacdaradu makorisaa,
dadka ama dir xoolaad. ?
deegaan abaaroo
dulin buuxshay oo taban,
dooyada ninkii galay,
degmdiisa ooshaas,
degal ma'uga oodaa.?
Maaleeyo iyo dacar
iyo malabka doocaan,
keebaa qof doortaa.?
jira aan dawas mayn
iyo dooga kaar daran,
fayo ma'uga durugtaa.?
Olol iyo dab dhamacdii
adigoon dabqaad wadan
daldal dhuxulohoo kulul
dibad ma'ula roortaa.?
miina duugan oo diran
maku daqaqamaysaa
dadka ma'uga digaysaa.?
waydiinahan isdaba yaal
ama qaar ka siidaran,
duurxul iyo ujeedoleh,
danab qiimoleh iyo hebel,
damiir iyo wax garasho leh,
waxa loo dallagayaa,
danta dhoowba doonkiyo,
mida duran ka baydhaye,
danbaysada jiraalka ah,
taan doorran oollayn,
beer iyo dab daran qudha,
labadaa mid loodego,
deyro miyey u qalantaa.!?
doodanina waa jira
dalluun iyo mugdiga dedan
aakhiraba loodaa
dunidana if lagu sheeg.
waa daliil markhaati ah
in danbaynta moogiyo
diimooni lagu saday.
aduunyadana darajada
waase iska duufaan
dabayl noole faafsaday.
dadaalkiyo kutaamkaba
daartan bay dulsaaraan
doqonimiyo dayashey
dowgii ku seegeen
dubbuhuna sugniin maleh.
dacadii la liid waa
duligii la qiimee
daxalbaa qabigii hilay
diirna xaaba ka idlaa.
diin iyo xaqbarashana
dilaal saad ah laga jecel.
kii dirkeeda sheegtana
hebel baa u daabacan.
ayado ma doonaan
xaqiiqadana laga dalow.
shiikha loodabayshaday
dibnihiisu maybaran
dabuubtaa rabaa yiri
oo waa duruuus nami.
waxa ay ka doorteen
in yaga ladaalibo.
dhagar ay dan moodaan
bulshadii ku kala dabe
ururiyo dariiq dhexe
daleeshaa ku qaybsade
makastiina kaladile.
dilaalkiyo dhib idilkiis
deexdiyo hungiyo quus
ilaa dawlis gaaleed
dalka loogu loolamo
danbi oo dhan dhumucdiis,
culumaa u dooya ah.
carabay dafsiiyaan
diiinta iyo kitaabkaba
yagoo aan u daadagin
dulucdiyo xaqiiqada
bay dood nin soo qoray
xaqa kaga dilaamaan.
damane iyo maagac doon
isku daban baa badan.
deelkaasi waamarin
dow iyo jid aan hore
hoosba loogu daadagin
waadaba gal waafi ah
daain baan cuskanayaa
waala doorshay duxihii
hunguraana duufsaday
intii loogu dow galay
dirsooc baahsan baajira
daliilyo maragba leh
hal dardaaranaa haradhay
dacadnimo ilaheen
dowgu waa mid kaliyoo
rabigeen inoo diray
duntuna waa quraankoo
dood aan lagalinine
shiikhii dadaal fala
xurmo waa in loo dumo
duco iyo abaalba leh
dood kale waxay tahaya
ninkii daris inoo dhigay
dagal dhexe intuu dego
main loo dareeroo,
damaciis lafuliyaa !?
dariiqooyin hoosiyo
dastuuriyo sumadiyo
siro iyo docociyo qayb
danbi iyo gef weeyaan
ayadaa ka sii digay
suuradaa u dabar jaray
daleel iyo jab weeyaan
duxda hadalku waxay tahay
waa wada ded uunoo
beentu waxay dabraysaa
run aan dabaqba saarnayn.
dalac laasinkaa baddan
durrbaanoyo orrbaa tumman
dallimoyo dhulbaa qodan
diiwaniyo taxbaa daban
xidhiidhiyo darrbaa furan
waa daaba ka gaadhiyo
dumaalo iyo qarado'e,
naarta haku daqaqamin
akhiraa darnaan lehe.
duli uu dad mamaulay
yuu cadaab ku daaqsiin
gaalnimiyo doqonimo
diir iyo dubb may aha
owoowiyo dir may noqon
waa doonis iyo dhaqan
daliigaha is baal yaal.
kii dunidan doortaa
rabi daalin mayee
dacdaradiyo oohine
qudhaasay dusheed noqbon
meel dayashadaa daran
lay iskumana doorsado
danbi dhaafka naxariis
inta aydin dabar goin
maad dadntiina garataan.

Dhamaad

No comments:

Post a Comment