Friday 21 August 2009

Maansadii Dheeho oo wax ka dheh

Maansadii Dheeho oo wax ka dheh


Dheeho oo Wax ka dheh

dhalanteedka dhowbaa
aadmigu ku dhololaa.
dhaqankooda yaabka leh,
dhayaha kudayashada,
dhimirada iyo awdkood,
dhulka ay ku foofaan,
dhandhanka iyo nolashay,
dhamaanba u dadaalaan.
dhabta lama huraanka ah
ilahay xaquu dhigay,
dhayal bay u qaateen,
dhimashadana wada neceb.
dhaba aakhiraadiyo
danbeetada dhamaadka la'a
dhugba looma laha wali.!
dhallaannada sidooday,
dheragiyo dhalaaliyo,
jirka dheehidiisiyo,
dhandhan aan ekaanayn,
ku dhumeen dadkaygii.
dheef kayd u dhigantiyo,
dhanbaalada xaqiidiyo,
isu dhigano yaaloon
qudhna aan la dhaadayn,
dhaba uma yagleeshaan !
dhimarada ma fiirshaan !
dhogor dhaanka damaciyo,
dhabacada gudhaysaa
balmaxay u dhalaysaa.!?
waa dhantaalan abideed
waa dhiilo dhalaxkeed
dhoyla'aana lagu dhaqay.
dhadhab iyo hallow darran
intii dhimatay gaadhoo
dhitadood haleelee
idinku maad is dhugataan
dhaayaha adeecdee
maanka maad dhundhumisaan
dhayal meel ma gaadhee
runta maad ku dhaqantaan.
dharaartiyo habeenkiyo
sumadaha dhamaystiran
dhigaallada ilaaheen
dhulka iyo cirkaa sare
biyaha maad ku dhimirtaan
dhantaal laanta beeneed
dhuuniga ibeediyo
dheeliyada cadaanka ah
waar hooy maad is dhoowrtaan.
dhagarina danmaahee
xaqa maydin dhaadaan
isku dhararin baadi ah
samo uga dhawaataan.
dhiigii qulqulayaba
hadii aan dhidib tirin
dhimashaa ahaatee
oonkiyo dhanqalanka
waraabaa dhibseejee
dheesha mayiska daysaan.
dhagihii ayaanluu
dhaadhacaa hanuunkiye
Muslim maad u dhurataan.
dhalasho iyo dhimashaa
dhexdood noolo rooraye
dhinacyo maydin eegtaan
dhardhaarada xabaashiyo
waydiinta dhabanka ah
dhursug iyo ku yeeshood
dhudo maad u gunudaan.
dhirif iyo han waa ba'e
ilaah maysu dhiibtaan
waanada dhameeyoo
dhamaan waa danteenee
haku dhaga adiygina
hadaad dhaadi diidaan
idinkaay is dhibaayee
waa waxaad ka dheeftaan
Dhamaad

Maansadii Isku Tal hoos ka dhagayso

No comments:

Post a Comment